Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Gudoomiye Jawaari oo kulan Albaabada u xiranyihiin ku yeeshay Muqdisho

Xalay waxaa xarunta Madaxtooyadda Soomaliya kulan ku yeeshay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray talo soo jeedin ku aadan inuu dib u eegis ku sameeyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre golihiisa cusub ee wasiirada, waana taas mida keentay kulankan xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen islamarkaana wax natiijo aysan kasoo bixin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto.

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaalia Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood gudahood ah oo uu Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku horgeynayo golihiisa cusub ee wasiirada ee uu dhawaan magacaabay, waxaana u furan inuu wax ka bedelo golihiisa wasiirada iyo inuu sidooda u daayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho