Qarax Gaari oo Goordhaweyd ka Dhacay Muqdisho

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari uu ka dhacay  meel ku dhow Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Gaari qarxay ayaa la sheegay in ahaa nooca Soomalida ay u taqaano Cemera islaamrkaana uu watay C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena uu la shaqeeyo Hay’addo waxa uuna qaraxa ka dhacay afafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Waaberi.

Dad ku sugan Degmada Waabari ee Gobolka banaadir oo la hadlay warbaahinta  ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa gaari uu dhacay xili uu C/shakuur uu gaariga ka dagay kadib markii uu ka shakiyay in gaariga ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa, daqiiqado kadib gaariga uu kaliyah ayaa goobta ku qarxay.

Dhanka kale qaraxa kadib waxaa goobta Gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka  Soomaliya, ilaa haatan lama ogo shaqsiyaadka losoo qabtay qaraxa la doonayay in lagu dilo mas’uulka ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda

Xasan Maxamed Samater (Cowke)

Puntland Post Muqdisho