Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo la jirdilay

Xildhibaan Maxamed Xasan Geele oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug dhanka kalena ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta waxaa lagu jirdilay magaalada Cadaado.

Illo wareedyo ayaa  xaqiijiyey in jirdilka Xildhibaanka ka dhalatay dood xoogan oo ka dhalatay xilliga la qabanaayo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa hadda la dhigay mid kamid ah isbitaalada magaalada Cadaado halkaasi oo lagu dabiibayo.

Hoos ka Daawo Xildhibaanka iyo jirdilkiisa.