Garowe:-Samafale Ardey ah oo kasoo jawaabtay balanqaad

Gabadhaan da,yarta oo ka mid ah dhalinyaro u istaagay inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay sameeyeen abaaraha ka jira deegaanada PUNTLAND ayaa kasoo jawaabtay balan-qaad mar sii horeysay ay isugu qortay lacag dhan 1,000 (Kun dollar) oo ay sheegtay inay qaadanayso gurmadka abaarta.

Maariya Shire Axmed oo ka tirsan Ardeyda Jaamacadda PSU waxay sheegtay inay ku dhiiri galiyeen kasoo jawaabida balanqaadkeeda qeybo badan oo ka tirsan bulshada iyo qoyskeeda,Waxayna ku wareejisay xubno ka tirsan Guddiyadda Samafalayaasha lacag ka badan intay balan-qaaday Maariya oo ah gabadh da,yar oo misana ah ardey aan shaqeyn.

Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug Maxamed Jaamac Yuusuf (Tigey) oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee Samafalayaasha gurmadka abaaraha iyo Fartuun Cali Liig oo ka tirsan Ururka Gabdhaha Gobolka Nugaal ee (GOL_NUGAL) ayaa si wada jir ah uga gudoomay Maariya deeq lacag ah oo ay usoo aruurisay in lagu taakuleeyo dadka ku nool baadiyaha iyo tuulooyinka.

Waxayna safka horre ka gashay Maariya Shirre Axmed dhalinyarada Samafalayaasha ah oo si iskood ah ugu istaagay sidey u caawin lahaayeen dadka abaartu saamaysay. …

Daawo Maariya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST