Faysal Qaran oo loo doortay Gudoomiyaha Dallada PUNSAA

Shiweynihii 5aad oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Garowe dalladda daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA waxaa maalintii shalay lagu doortay Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa ka dib doorasho ka qabsoontay shalay magaalada Garowe.

Dr Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaano Faysal Qaran ayaa loo doortay Gudoomiyaha cusub ee dalladda labada sanno  soo socota waxaa ku guulaystey wareegii  labaad Faysal Qaran oo 53 cod  kaga guulaystay gudoomiyihii horre ee Dalladda Nuur Shire Cismaan oo helay 42 cod, Iyadoona guud ahaan tirade ergada codaynaysay ay ahayd 95 xubnood.

Sidoo kale waxaa loo doortay Gudoomiye kuxigeenka dallada PUNSAA Mustafe Cabdulaahi Cabdi oo ka mid ahaa guddiga joogtada ee dalladda, xilli uu diidayo xeer hoosaadka dalladu inay mar kale isa soo sharaxdo Gudoomiye kuxigeenkii horre ee dallada Saynab Ismaaciil .

Gudoomiyaha cusub ee loo doortay dalladda PUNSAA waa shaqsi magac iyo maamuus ku leh deegaanada Puntland, Sidoo kalena ah khabiir wax badan ka qabtay dhanka arrimaha caafimaadka, Isagoona mudooyinkii u dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha samafalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dalladda PUNSAA waxaa la asaasay sanadkii 2005-tii waana dallad kulmisa, xiriirisa Ururadda bulshada rayidka ah,Ganacsatadda,Xirfadlayaasha iyo Ururada Nabadoonada, Waxayna ka shaqeysaa horumarinta xuquuqul iinsaanka, Dimuqraadiyadda iyo Deegaanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.