Burcad ku Afduubtay Biyaha Degmada Eyl Dooni uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ah

Eyl [Puntland Post] Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa waxa ay sheegayan in Dooni magceedu yahay Casar, oo uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ay Burcad Badeed Soomaali ah ay  ku afduubteen Biyaha Deeganka Maraya oo ka tirsan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal .

Sida ay u Xaqiijiyeen qaar kamid ah odayasha Deegankasi warbaahinta Puntland Post.

Lama oga halka ay la Aadeen Doonta Burcada Afduubtay balse odayasha Deeganku waxa ay sheegen in dhinaca Badweynta ay u kaxaysteen.

Dhawaan ayey ahad markii Burcad Badeed Soomali ah ay ku afduubteen Biyaha Soomaliya Markab laga leeyahay dalka Siralanka Balse markii danbe ay Gacanta ku dhigeen Ciidmada Badda Puntland .

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaal dalal badan oo caalamka ah iyadoo qaarkood ay ku xukuman yihiin xabsi daa’in halka qaar kalana lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya 5 sano illaa iyo 30 sano.

Lasco wixii soo kordha insha Allah Puntland Post

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST