QISO CAJIIB AH:-Xoolaha abaartu ku hayso baadiyaha QARDHO

Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa kula kulmay tuulada la yiraahdo ADEEGO oo ka tirsan Degmada Qardho ee xarunta Gobolka KARKAAR qiso cajiib ah oo ku saabsan Duqa magaalada Qardho oo gacmihiisa ku waraabinaya mid ka mid ah xoolaha magacooda la yiraahdo Idaha oo Oon/Haraad darteed dhulka uga kici wayday.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada inay ka gacan siiyaan culays baaxad weyn leh oo ay soo saareen deegaano hoosyimaada maamulkiisa qoysas fara-badan oo dib uga soo hayaamay deegaanadii kal hore loo naq raacay.

Gudoomiye Cabdi Siciid ayaa faahfaahin ka bixiyay meesha ay cuskanayso xaajadu iyo dadaalka maamulkiisu ugu jiro dejinta iyo samata bixinta dadka iyo duunyada la dacdareysan abaaraha adag ee ka jira Gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Degmada Qardho.

Dhinaca kale Cumar Maxamed Jaamac oo ka tirsan masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Puntland (PSAWEN) ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin biyo dhaanka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaruhu.

Daawo qiso cajiib ah

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST