Dowladda Turky-ga oo ku soo biirtay Dagaalka lagula Jiro Al-shabaab

Dowlada dalka Turky-ga ayaa sheegtay in ay ku soo biireyso dagaalka lagula jira Ururka Al-shabaab iyadoo sidoo kale magaalada Mogadishu si rasmi ah ugu furi doonto bisha April saldhig military oo aad u baaxad weyn kaa oo in muddo ah dhismihiisu uu socday.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso 500 oo ciidan ah sanadkan si ay dagaal ula galaan  Ururka Al shabaab iyadoo xustay in lacag $50 million ah ay ugu baxeyso Saldhiga militri ee laga furayo magaalada Mogadisho.

Dagaalada dalka ka socda ee Al shabaab lagula jiro oo sidoo kale ku laamansan saddex sano oo abaaro ah ayaa dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in uu cuuryaamay dhaqaalaha dalka Soomaalia.

Xarunta magaalada Mogadisho ayaa la sheegay in ay yeelaneyso saddex xero military oo ku dhex sameesan oo cabirkeeda gaarayo 400 oo hectar kuwaa oo deris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Mogadishu iyo dakedda weyn ee Mogadisho.

Dowlada Turkiga ayaa tan iyo sanadii 2011-kii dalka soomaaliya waxa ay ka fulisay mashaariic horumarineed iyadoo dhistay wadooyin xarumo caafimaad iyadoo sidoo kale ka qeyb qaatada xaaladaha bini’aadanimo ee dalka kajira.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho