Jaamacadda Badda Cas oo Deeq gurmad ah ku wareejisay Gudiga Gargaarka Abaaraha Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Jaamacadda Badda Cas Magaalada Boosaasao ee Xarunta Gobalka Bari ayaa maanta Deeq iskugu jirta Raashin ,Dhar, iyo Caagadaha lagu shubato Biyaha oo ay soo Uruuri yeen Ardayda Jaamacadda wax ka dhigta ayaa waxa ay ku wareejiyeen Gudiga Ugar gaarida Dadka tabaalaysan ee ay Abaartu samaysa.

Deeqdan ayaa waxa loogu tala galay in loogu gurmado Dadka ay Abaartu samaysay ee xiligan ku sugan qaybo kamid aha gobalada Puntland.

Ardayda ayaa sheegay in ay mudo ku hawlanayeen soo Uruurinta Deeqdan Raashinka ah ee loogu gurmanyo walalaha dhib ee ay Abaartu samaysay waxayna uga mahad celiyeen dhaaman cidkasta oo kala shaqaysa Ugur mashada loo fidinayo walalaha dhiban .

Nuur Salaad oo ku hadlayey afka Jaamacadda Badda Cas ayaa sheegay in Deeqdan lagu tageerayo Umada Baahan ee Abartu samaysay waxana uu til maamay in ay ka Jaamacad ahan ay ka sii shaqan Doonan Gurmadka Loo fidinayo Dadka Tabaalaysan ee xiligan la il daran Abaarta sii baahaysa ee ka jirta Gobalada Soomaliya.

Yuusuf Suudi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Gargaarka Abaaraha Puntland oo Deeqda la wareegay ayaa u mahad celiyey Dadka isku hawlay ay ay ugur madaan Dadka dhibataysan ee Abaartu samaysay.

Faraxd bay Nootahay in aanu manta Deeq kala wareegnao Ardayda Jaamacadda Badda Cas Xarunteeda Boosaso,Waxanu balan qaadaynaa in dhulkii loogu tala galay aanu Gaarsiino .

Dalku waxa uu galay Xaalada Adag oo u baahan Gargaar Ale lakiin wixii karankeena ah waxa loo bahan yahay in aanu ugur mano walaleheen dhiban oo ay Abartu samaysay .

Jaamacadda Bada Cas ayaa qab wan ka qadatay Gurmado kala duwan oo loo sameyey Dadka aybartu samaysa ee xiligan ku sugan qaybo kamid ah gobalaada Puntland

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST