60 qof oo u geeryooday Cudur ka dilaacay Degmada Qansax-dheere ee Gobalka Baay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in la diwaangaliyey dhimashada in ka badan 60 qof oo saameynta Abaaraha & Cudurro ka dhashay ugu geeriyootay degmada Qansax-Dheere ee gobalka Baay, kuwaas oo ay xaalado adag soo wajaheen.

Wararku waxay sheegayaan in dadkan dhimashadoodu ay ka dambeysay markii ay waayeen dawooyin iyo agabyada kale ee muhiimka u ah caafimaadka asaasiga ah.

Gudoomiyaha deegaankan Qansax-Dheere ayaa sheegay in dhimashada dadkan ay tahay mid sii kordhaysa, wuxuu cadeeyey in aysan haysan wax gurmad dawo ah oo lasoo gaarsiiyey deegankan.

Ilaa hadda dadka dhintay ayaa ka badan 210 qof oo u dhintay cuduro ay abaaruhu saameyn ku yeesheen, waxaana halis weyn laga qabaa dhimashada oo sii kororta saacadaha dhaw.

Xaalada Abaareed ee dalka ka jirata ayaa ka sii daraya Maalinba Maalinta ka danbaysa waxa Deeganada Abartu ku daran tahay laga soo sheegayaa in Xanuuno kala duwan ay ka dilaaceen.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST