U-Qeybsanaha Waxbarashad ee safaaradda somaliya ee Dalka Hindiya oo kulan la qadatay Ardayda dalkasi

Waxaa si habsami leh u usoo gabagaboobay kulan weynihii Ardadayda Somaaliyeed ee kunoolaa Magaaladda haydarabad ee Dalka india,

kulankaas Ayaa ku saabsana dhabagalida caqabadaha Ardayda ka haysata Dhanka wax barashada iyo jamacadaha ay wax kabartaan iyo waxyaabaha ay ubaahanyihiin in ay safaaradu ka caawiso.

Kulakaas oo isugu jiray isbarasho iyo iswaraysi qaybta waxbarashada safarada somalia iyo ardada waxkabarata dalka india magaladiisa hydrabad, Ayeey Ardaydu ku soo Bandhigeen Hadalo Kala duwan

Amaal Maxamed Siciid Ciise, U qeybsanaha Waxbarashad ee safaaradda somaliya ee Dalka Hindiya, Oo Kulankaasi Soo Qaban Qaabisay ayaa Halkaasi ka soo Jeedisay Hadlo Ku Saabsan Hormarinta Ardayda Somaliyeed

“ Waxaa maanta sharaf weyn ii ah inaan idin hor imaado oo aan kawada munaaqashoono arimaha ardeyda somaaliyeed ee wadankaan joogta, runtii aad baan ugu farxay markaan arkay arday intaan la,eg oo wax barasho u joogta wadankaan waxeyna tusaale u tahay rajada wadankeena mustaqbalkiisa waxaadna tihiin aayatiinkii dalka iyo rajada kaliya uu leeyahay wadankeenii sharafta Lahaa” Ayuu Tiri Amaal Maxamed,

Dhinaca Kale Amaal Maxamed Siciid Ciise, U qeybsanaha Waxbarashad ee safaaradda somaliya ee Dalka Hindiya Ayaa Ka Hadashay Socdaalkeeda Magaaladda Haydarabad ee Wadanka Hindiya, iyo Waxyabaha ay Muhiimada saarayso

1.Qiimaynta iyo ukuurgalida xaalada ardada wax kabarata hydrabad

2.Helida tirada saxda e ardada waxkabarta haydrabad

3.Ogaanshaha caqabadaha iyo baahiyaha haysta ardada ee dhanka wax barashada.

4.isku xirka ardada somaliyeed ee kukala irdhaysan hydrabad.

5.In ardayda iyo safaardu xiriir toos ah ay yeeshaan si looga warhayo ardayda iyo baahiyahooda waxkabarasho.

6.in ardada soomaaliyeed ee waxkabarata india siwada jir ah looga wacyigaliyo dadaal laanta iyo kaharida jamacada.

Ugu Danbeyn Ayeey halkaasi ka soo Jeedisay Dar-daaran Balaaran oo ku aadan Sidii heer sare loo Gaarsiin Lahaa Waxbarashada Ardayda Somaliyeed, ee ku nool Wadanka Hindiya

“ waxaan idin kula dardarmaya inaad ka fogaataan shahaadooyinka faga ah , waayo talaabadaa qaadaysaan iyo meesha cag dhigaysaan wa la idin ogyahay safaaradana wayni ogtahay ,dowlada indiana way ogtahay iyo jamacadaha “

“ Safiiradanee marka ay shirarka africanka isugu imaadaan waxa la weydiiyaa in ardada soomaliyeed aysan caqabad badan kala kulmin india lagumana laayo sida wadamada africanka ah loo laayo. Waxayna weydiiyeen siday uga badbaadeen ardada somaliyed dhibkan , waxayna kujawaabtay waa dad diintooda iyo dhaqankooda adkaysta , dadkana dhaqankooda iyo diintooda udaaya “ Ayeey Tiri Ugu Danbeyn Amaal.

Tan Iyo markii Xilkan Loo Magacaabay Dhawaan Amaal Maxamed Siciid Ciise, U qeybsanaha Waxbarashad ee safaaradda somaliya ee Dalka Hindiya, Ayeey Xooga Saartay Shirar iyo Kulamo La doonayo in La isugu Xiro Dhalinyarada Somaliyeed ee wax ka barata Dalka India,

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST