FaahFaahin ka soo Baxaysa Markabka lagu heysto Xeebaha Soomaliya

Bosaso- [Puntland Post] Wararka naga soo gaaraya Degmada Caluula ee gobalka Barri ayaa sheegaya in ay guutooyin kamid ah ciidamada Badda ee Puntland ay ku bexeen halka lagu haysto Markab lagu qabsaday maalin ka hor xeebaha Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in ay ciidamadu joojiyeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii ka socday dhinaca Xeebaha dadkana ay u diideen in ay aadaan dhinaca Badda, waxayna doonayaan in la go’odoomiyo kooxaha burcada ah ee haysta Markabkan.

Mid kamid ah Raga uu u Afduuban yahay Markabku oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in goobtii uu shalay markabku Joogay ay ka kexeeyen xiligan ay ku sugan yihiin Xeebta Degmada Xaabo ee Gobalka Bari,.

Waxa uu sida oo kale uu  ku hanjabeen in ay sii Afduuban doonaan Maraakiib kale hadii xeebaha Soomaaliya aan laga joojin xaalufinta lagu haayo.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa muddo Saddex sano kabadan aan wax markab ah lagu afduubin iyadoo ciidamo ka socda gaashaanbuurta NATO iyo dalal badan oo caalamka ay ilaalo ka hayaan xeebaha dalka Soomaaliya.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaal dalal badan oo caalamka ah iyadoo qaarkood ay ku xukuman yihiin xabsi daa’in halka qaar kalana lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya 5 sano illaa iyo 30 sano.

LA SOCOS FAAHFAAHIN -PUNTLAND POST,  INSHA ALaAH

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,,BOOSASO