Madaxweyne Gaas “Imaaraadku kama dhisanayo saldhig Ciidan Bosaso”

Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn u beeniyay Warar maalmihii lasoo dhaafay ay tabinaayeen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku aadana in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig ciidan ay ka furanayso Magaalada Bosaso.

Madaxweyne Gaas ayaa ku til mamay wararkaasi kuwo been Abuur ah oo sal iyo radtoona lahayn,in Dwalada Imaraadka Carabta uu ka dhisanayo Dekada Bosaso Saldhig Malatari.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladda Imaaraadka Carabta ay dhinacyo badan ay ka taageerto Maamulka Puntland, oo ay ka mid tahay taageerida iyo tababarida ciidanka Badda Puntland ay siyaan.

Shacabka reer Puntland ayaa malmihii la soo dhafay Arintan hadal hayey waxana uu hadalkani meesha ka saaraya tuhunadii ay qabeen shacbka reer Puntland ee la xiriiray in Imaaraadku ka dhisanayo Saldhig ciidan Dekada Boosaso.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,BOOSASO