Abaarta oo aad u saamaysay reer miyiga gobolada Puntland – film ka hadlaya


Video-gan waxaa xuquuqdiisa leh hay’adda caalamiga ah ee laanqayrta Cas.

Abaarta ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa mid saamaynteedu ay sii balaaranayso, waxaana dadka reer miyiga ah ka sii dhamaanaya xoolihii ay dhaqan jireen.

Meelaha ay saamaynta ugu badan ku yeelatay waxaa ka mid ah gobolada Puntland. Mohamed waa nin reer miyi ah oo ku nool dhulka miyiga ah ee gobolka Nugaal, waxa uu abaarta ka hor haystay 360 neef oo ari ah, hadda waxaa uga sii haray 90 neef oo aan wax nafaaci ah lahayn.

Cabdullaahi isaguna waxa uu abaarta ka hor haystay 270 neef haddana waxa gacantiisa ku jirta 30 neef. Labadan qoys waxa ay noloshooda oo dhami ku tiirsanayd xoolahaas, hadda ma ganayaan waxa ay sameeyaan, waxaana jira welwel laga qabo in dadku ay gaajo u dhintaan.

Hay’adda Laanqayrta cas ee caalamiga ah ayaa halkaas ku booqatay waxaana halkaas lagu soo arkay xaalad aad u qalafsan oo ka qarsoon indhaca caalamka.