Taksiile Soomaliyeed oo Lagu Dilay Dalka Mareykanka

Taksiile Soomaaliyeed oo ku noolaa gudaha dalka mareykanka gaar ahaan magaalada beltzhoover ayaa u dhintay dhaawacyo ay u geesteen kooxo burcad ah oo doonayay in ay dhacaan.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabayay Ramadan Mohamed oo da’diisu ay aheyt 31-sano jir.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka tagay xaas laheyd 8 bil oo uur ah iyo iyo cunug labo jir ah kuwaa oo ku nool gudaha dalka Kenya.

Laamaha amaanka dalkaasi ayaa sheegay in ay u xirxireen falkaasi labo nin oo burcad ah kuwaa oo la tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen.

Soomaalida ku nool gudaha dalkaasi mareykanka ayaa inta badan waxa ay la kulmaan falal isugu jira dhac iyo jirdil kuwaa oo sidoo kale lagula kaco soogalootiga kale ee dalkaasi ku nool.

PUNTLAND POST