Gudoomiye lagu dhexdilay Masaajid Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Wadada Buundooyinka ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay masaajidka xaafada Bandhabow ay ku dhex dileen ruux dhalinyaro ahaa oo xiligas masaajidka kusoo dukaday.

Qof kamid ah dadka xaafada Bandhabow degmada Xamar Jajab oo la hadlay Puntland Post  ayaa xaqiijiyay dilka, waxa uu intaas ku daray in ninka dhalinyarada ahaa ee la dilay horey ugu soo noqday degmada Gudoomiye Laameed, waxaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar.

Warar ayaa sheegaya in marxuumkaasi uu katirsanaaa ciidamada nabadsugida Sooomaaliya oo uu hadda la shaqeeynayay

Ciidamada amaanka degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray, waxaa jira howlgal lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay ruuxa dhalinyrada ahaa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland post Muqdisho