Ganacsatada Puntland oo mudo kor dhin u sameyey Hogaanka Rugta ganacsiga

Waxa maanta Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland Ee Boosaso  ka dhacaday Munasabad mudo kor dhin loogu samaynayey Gudoonkii hore ee Rugta ganacsiga Puntland oo mudo xilood koodii dhamaaday.

Mudo kor dhintan loo sameyey Gudoonkii hore ee Rugta ganacsiga Puntland ayaa timid ka dib kulan ay wada yeeshen Ganacasata iyo gudoonkooda ka dibna ay isku afagarteen in mudo 2 sano ah dib loo doorto Gudoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid iyo iyo Gudigii hore ee Boorka Rugta Gnacsiga.

Waxa sida oo kale daba socday soo bandhigista Barnaamij Cusub oo ay kuwada shaqan doonan Wasaarada Ganacsiga Puntland iyo Ganacasata Puntland.

Waxana ka qab galay Wasiirka wasarada Ganacsiga Puntland ,Madax ka socotay wasarada Maaliyada Puntland ,Guoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Ganacasato.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa ugu horeeyn faah-faahin ka bixiyey ujeedka kullanka ,isagoona ganacsatada uga mahadceliyey soo ajiibidda ka qeyb-galka kullankan ballaaaran.

Cabdirisaaq Siciid Nuur oo ah xisaabiyaha guud ee Puntland ayaa ganacsatada u sheegay in soo bandhigista habkan cusub ee shatigga ganacsi lagu bixinayo uu yahay mid looga baxayo iaalin la’aanti kajirtay shatiyada ay bixiso dawladdu.

Dood iyo Falanqeyn dheer oo la xiriirtay qaabka qabsoomidda doorashada hogaanka Rugta ganacsiga Puntland oo dib u dhac ku yimi kadib ayaa laysla qaatay in hogaanka jira hadda loo sameeyo wakhti kordhin , waxaana si guud aragtidooda u dhiibtay oo soo jeediyey talooyinkooda dhammaan ganacsatadii ka qeyb-galay kullanka.

Geba-gebahadii kullankan ayaa hab gacantaak ah xubnihii ganacstada ee madasha ku sugnaa ugu codeeyeen in la qabto doorashada iyo in wakhti kordhin loo sameeyo , waxaana codka la qaaday uu noqday in muddo laba sano ah xilka loogu daro hogaanka hadda jira sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle indha-guran.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST