Ciidamo isugu jira Puntland, Galmudug iyo Mareykan oo Howlgalo ka sameeyay Koonfurta Mudug

Xeebta Hobyo

Ciidamo huwan ah oo ka kala yimid Puntland, Galmudug  iyo dowlada Federalka Soomaaliya oo ay caawinayaan ciidamo Mareykan ah ayaa howlgalo balaaran ka sameeyey Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamadan oo isugu jira PSF-ta Puntland , Nabad sugida Qaranka Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug iyo ciidamo Mareykan ah ayaa waxaay howlgalo ka sameeyeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyn, Wisil iyo Hobyo  oo dhamaaan tood ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Saadiq Cumar Xasan  oo ah Taliyaha Ciidanka Nabad sugida Qaran ee NISA kuwa ka howlgala Galmudug ayaa sheegay in ay howlgalkan ku qaadeen deeganada gobolka Mudug ay ka joogaan Al-shabaab iyo kooxo uu ku sheegay Burcad badeed.

“Hadda waxaan joognaa degmada Hubyo waxaa rabnaa in aan saldhig samamaysano meeshii ku haboon, maadaama ciidamada Galmudug ay ka dheeryihiin deeganada Xeebta oo ay naga haystaan Al-shabaab iyo Burcad badeed, sidaa tarteed waxaan u nimaanay in aan saldhig ciidan ka samaysano oo ay gacan naga siiyaan dowlada Mareyka iyo dowlada Soomaaliya si aan sldhigaas usamaysan lahayn oo ciidamadu uga howlgali lahaaayeen Xeebaha oo dhan, si ay uga sifeeyaan Al-shabaab iyo Burcad badeeda” Ayuu yiri Taliye Saadir Cumar.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay ciidamada Puntland ee howlgalka wax ka fulinaya ayuu sheegay in ciidamada Puntland ay iska kaashanayaan gacansiinta ladagaalanka Al-shabaab iyo Burcadbadeeda.

Al-shabaab ayaa muddo Sagaal sano ah gacanta ku haysa degmada Xaradheero iyo deegaano hoostaga oo ku yaala Xeebta Koonfureed ee gobolka Mudug.

PUNTLAND POST