Hay,adda Care oo lagu eedeeyay inay musuq maasuqday mashruucii dhireynta Garowe

Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Garowe oo kormeer maanta ku sameeyay wadooyinka dhex mara gudaha magaalada ayaa ku eedeeyay Hay,adda Care International inay musuq maasuqday mashruucii dhireynta ee loogu tala-galay magaalada Garowe.

Xildhibaan Mowliid Aw-axmed Yuusuf oo ka tirsan Gollaha Deegaanka Garowe ayaa sheegay inuu gollaha deegaanku uga masuul yahay shacabka ilaalinta iyo dhawrista nidaamka caasumada Islamarkaana ay waajib tahay inay kula xisaabtamaan cidii musuq maasuqda mashaariicda loogu-tala-galay Caasimada Puntland ee Garowe.

Mashruuca Dhireynta magaalada Garowe ayaa qorshuhu ahaa 2,000 laba kun oo geed in lagu dhireeyo jidadka magaalada Garowe, waxaana ka muuqday dayac xoog leh qaabka loo dhireeyay goobo dhawr ah oo ay maanta kormeer ku tageen masuuliyiin ka tirsan gollaha deegaanka Garowe.

Daawo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.