Faroole iyo Cali Xaaji oo ku soo wajahan Garowe

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo katirsan Aqalka sare ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa maanta ku soo wajan magaalada Garowe , iyagoo ka soo kicitimi doona magaalada Mudisho ee caasimada dalka.

Cabdiraxmaan Faroole iyo Cali Xaaaji ayaa ka mid ahaa musharaxiintii u tartamayay xilka madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu ku guuleystay madaxweyne Farmaarjo.

Labadan masuul ayaa horey eedeymo kulul u soo jeediyey xukuumada Puntland oo ay sheegeen in ay Puntland oo Abaaro iyo colaadi ka jirto ay madaxdoodu u Olalaynayeen qaar ka mid ah musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Gorawe ee caasimada Puntland ayaa waxaa si aad looga dareemayaa soo dhawenta masuuliyiintan.

PUNTLAND POST