Dowlada Soomaaliya oo hakisay howlihii garoonka Diyaaradaha Muqdisho

War kooban oo ka soo baxay wasaarada Duulista hawada sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la hakiyay howlihii garoonka Muqdisho Maalinta Arbacada ah ee soo socoto 22-ka Bishaan.

Wasaarada ayaa sheegay in aanay wax diyaarad ah ka soo dagi karin garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Maalintaasi Arbacada ah 22-ka Bishan ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamd Cabdullaahi Farmaajo.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidaan oo kale 08 Bishaan Febuary aan ku guda jirno xayiraad saartay garoonka Muqdisho xiligaasi oo Muqdisho ay ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho