Daawo Dr Faroole oo gaarey Garowe, Dhaliilayna Madaxda Puntland

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) Ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sarre ee baarlamanka dalka Soomaaliya ka dib socdaal uu maanta kaga soo laabtay magaalada Muqdisho .

Boqolaal qof iyo Ciidamo ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta maanta Garowe loogu sameeyay Dr Cabdiraxmaan Faroole, waxaana soo dhaweyn ka dib uu ka hadlay socdaalkiisa iyo dhaliilo uu usoo jeediyay maamul goboleedyada dalka gaar ahaan madaxda maamulka Puntland .

Wariyaasha oo su,aalay Dr Cabdiraxmaan Faroole inuu qeyb ka yahay rag siyaasiin ah oo wada olole siyaasadeed oo hogaanka raba in looga tuurayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa beeniyay warkaas, wuxuuna sheegay cidda wararkaas wada inay tahay cid ka baqeysa in shaqada lagula xisaabtamo, Islamarkaana  wixii ku saabsan arrimahaas ay u joogaan dadka ku shaqada leh sida Saxaafadda iyo Baarlamanka.

Daawo Soo dhaweynta iyo Shirka Jaraa,iid Faroole oo dhamaystiran.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

3 comments on “Daawo Dr Faroole oo gaarey Garowe, Dhaliilayna Madaxda Puntland”

  1. Adeer DR. CAbdiraxmaan, waxaad tahay nin muhiim u ah reer Puntland iyo Somali oo dhan laakiin tegistaadii Xamar waxaad Damul-jadiid ku siiyeen (deal) taasoo aheyd in wiilkaaga Ra’iisal wasaare laga dhigo waana qaadatay ogow damin bayna aheyd ay kuu dhigayeen, dhinaca kale, C/weli Gaas isaguna wuxuu wax u raadinayey Seeddigiis Cumar Cabdirashiid, Marka waxaad noqoteen Martidii kala naxday markii ay reerka u soo wada hoydeen,
    Adeerow nin fiican baad tahay laakiin dadka cuqdad ha ku kala beerin billaa Calayk!!! Abaar xun baan ku jirrraaye haddaad wax heli karaysaan dadka u soo tuura!!

  2. The Era of Farole has finished but tribalised wellcome is welknown in Garowe and it’s people shameless Farole you made reer puntland to lose the election in mogadisho bring farmajo to Garowe no federalism that is what brought to Garowe we will wait what comes next

  3. wiilka dige labaxy hadalkiisu waa hadal buka lakiin odagaas faroole intan arkayey madax soomaaliyed wa nin kii ila macaquulsana hady noqoto waxqabad iyo hady noqoto haykal madax wayne waxase kadnbeyey kuwo safiiro u aha DOLADO shisheeye wana oday somaaliyed oo nabadoon ah ba ladhihi karaa siyaasadda ka sokow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *