Wasiirka Haweenka Puntland oo la shirtay hay,addaha ka shaqeeya daryeelka caruurta

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta kulan la qaadatay hay,addaha ka shaqeeya daryeelka caruurta Puntland, Kuwaas oo ay kala hadashay sidii loo ogaan lahaa xaalada caruurta iyo haweenka ay saameeyeen abaaraha ka jira Puntland.

Wasiir Aniso ayaa ku qaabishay xafiiskeeda saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay,adda UNICEF qeybteeda daryeelka caruurta waxayna kala hadashay baahiyaha abaarta ee dalka ka jira gaar ahaan saameynta ay ku reebeen haweenka iyo caruurta.

Wasiir Aniso ayaa ka dhagaysatay hay,addaha ka shaqeeya daryeelka caruurta qorshayaal ku saabsan habkii kaalmo loogu fidin lahaa Islamarkaana si deg deg ah looga jawaabi lahaa xaalada cakiran ee ka jirta Puntland.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST