Shiikh Mukhtaar Roobow oo Isku Dhiibaya Maamulka Koonfur Galbeedka Soomaliya

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Afhayeenkii Hore ee Xarakada Al-shabaab Shiikh mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur in uu isku soo dhiibayo Maamulkooda.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Koonfur galbeed Soomaliya Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maamulkooda maalmaha soo socda uu gacmo furan kusoo dhaweynayo Afhayeenkii Hore eeXarakada Al-shabaab Shiikh mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo haatan ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Xasan Maxamed Xuseen Xasan(Eeleey) Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqanka celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya waxa uu sheegay in wada-hadalo usoo socdeen Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur islamarkaana maalmaha soo socda uu isa soo dhiibi doono.

Shalay Labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxayna sheegeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka.

PUNTLAND POST