Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wufuud ka socday Masar iyo Jarmalka

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdiaho kula kulmay wafti ka socday dowlada Masar.

Waftiga oo uu hogaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa madaxweyne Farmaajo waxay soo gaar siiyeen dhanbaal Hambalyo ah oo ahaa guusha xilka madaxtinimada dalka waxay uga sideen dhigiisa Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  ka gudoomay dhanbaalkaas hambalyada ah, isagoo uga mahadceliyey madaxweynaha Masar, sidoo kalana sheegay inuu ku faraxsanyahay xiriirka iyo iskaashiga udhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arimaha dibada Cabdisalaan Hadliye ayaa sheegay intii uu socday kulanku laysku afgartay in la sii wado iskaashiga labada dal ee Amniga, Ganacsiga iyo dhanka Diblomaasiga.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay wafti kale oo ka socday dalka Jarmalka oo iyaguna dhambaal hombalyo ah ka siday madaxweynaha iyo Shacabka dalka Jarmalka, wuxuuna madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey taageerada dowlada jarmalku uhayso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maal mahan kulamo gaar gaar ah magaalada muqdisho kula qaatay wufuud ka socotay caalamka.

PUNTLAND POST