Dooni u rarneyd Galmudug oo ku degtay xeebaha Badweynta Hindiya

Dooni u rarneyd Ganacsato ka soo jeeda deegaanada Galmudug oo ka soo Shiraactay dalka Imaaraadka ayaa ku Degtay Badweynta Hiinyada .

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duunidaan ay ku  ku timid  Cilad dag dag ah iyo Mowjado Dabaylo ah.

Dooni ayaa Siday inka badan 30-Gaari,Shidaal iyo Shixanado ganacsi oo kale waxa ayna ka soo Shiraacatay Magaalada Dubia ee Dalka Imaaraadka taasi oo ku soo jeeday Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Warar aya Sheegay in Markab Dagaal oo ku suganaa oo aan la Shaacin dalka laga lee yahay uu badbaadiyey qaar ka mid ah Shaqaalihii la socday Doonida Dagtay sida uu xaqiijiyey Gudoomiyihii Hore ee degmada Hobyo ee Gobalka mudug Shariif Shire oo la hadlay warbaahinta Puntland Post.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho