Xiliga Madaxweyne Farmaajo uu la wareegayo talada dalka oo la shaaciyay

Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wali la wareegin talada Madaxtooyada Soomaliya tan iyo markii la doortay  8-dii Febuary ee sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda ku shaqeeynaya Hoteelka Jaziira oo ku yaalal agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Dadka intooda badan ayaa isweydiinaya xiliga uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo la wareegayo xafiiskiisa, oo haatan uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu la wareegayo talada dalka islamarkaasina uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Xasan Sheekh 15-ka Bishaan oo ku beegan Arbacada soo socoto.

Arbacadii la soo dhaafay ayeyna Doorashada ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana xusid mudan in xaflad heer sare ah ay ka dhici doonto Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho