Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Xildhibaan Muqdisho ku Geeriyooday

Madaxweynaha Dooran ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku Geeriyooday Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo qoyskii uu ka tagay Marxuum Siciid Xassan Geeddi oo kamid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in allaha u naxariistii Xildhibaan Siciid uu naftiisa u horay qaranimada wadanka Soomaaliya.

“Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u khidmeynta dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo iimaan uu ka siiyo.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho