Machadka SIDRA oo tababar uga furay Garowe Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada

Machadka Cilmi baarista SIDRA ayaa maanta ugu qabtay magaalada Garowe 25 qof oo ka tirsan maaamulka iyo masuuliyiinta Bangiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta tababar ku saabsan Kobcinta Ganacsiyada Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Tababarkan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa qeyb ka ah tababaro xiriir ah oo machadka SIDRA u qaban doono Jaamacadaha iyo Ganacsiyada kala duwan, waxaana qorshuhu yahay in lagu tababaro tirada ilaa 50 qof.

Agaasimaha Machadka SIDRA Guuleed Saalax Barre oo kalmado kooban ka jeediyay furitaankii tababarka ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mid diirada lagu saarayo kobcinta ganacsiga gaar ahaan Bangiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay maalinta beri ah Machadka SIDRA inuu tababar kan la mid ah uga furmo magaalada Garowe 25 qof oo kale kuwaas oo ka kala socda Jaamacadaha iyo Xarumaha Ganacsiyada.

Daawo Sawirada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.