Kuuriyada Woqooyi oo “gantaal tijaabisay”

Kuuriyada Waqooyi ayaa riday madfac ka sameysan caag, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.
Waa tijaabadii ugu horeysay ee ay sameeyaan tan iyo markuu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Gantaalka oo la tijaabiyay Sabtidii wuxuu illaa 500km ku duulay badda dhanka Japan, sida madaxda dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ay ku warameen. Maamulka Pyongyang wuxuu sameeyay dhowr tijaabo nukliyer ah sanadkii la soo dhaafay.

Tijaabada joogtada ah ee dalkaas uu ku sameynaayo madaafiicda ridada dheer iyo nukliyerka iyo wararka carada leh waxay digniin u direysaa kana xanaajineysaa dalalka gobolka ku yaalla.

Tijaabada ugu dambeysay waxaa laga sameeyay saldhigga ciidamada ee gobolka Pyongan, ee dhanka gacanta Kuuriya.
Sarkaal ka mid ah militariga Mareykanka ayaa Wakaaladda Reuters “u xaqiijiyey inay heleen gantaal laga soo riday dhanka Kuuriyada Waqooyi”.

Kullan dhanka amniga ah oo degdeg ah ayey Kuuriyada Koonfureed ka yeelaneysaa tijaabadaas ay sameysay Kuuriyada Woqooyi. Woqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii tagay sameysay shan tijaabo oo nukliyer ah, Waxayna sheegtay inay hadda awooddo inay weerar nukliyer ay ku qaadi karto dhulka Mareykanka. Laakiin khubarada ayaa muujinaya shaki ah in awood tiknolojiyadda ee dalkaas inay heerkaa gaarsiisan tahay.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST