Cali Khalif Galeydh oo eedayn kulul u jeediyey Puntland

Madaxweynaha maamulka Khaatumo  Cali Khaliif Galeydh ayaa Puntland uga digay in ay sii wado xiisada ka taagan Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Ciidamada hubeysan oo dhawaan u diiday Cali Khalif Galeydh in uu ka duulo garoonka diyaradaha ee magaalada Buuhoodle xili uu u sii jeeday dalka Jabuuti ayuu sheegay Galeydh in ay ka soo jeedeen Puntland.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ayuu sheegay in ay si weyn uga so horjeedaan Puntland islamarkaana wax uu uga digay in ay soo fara gashadaan deegaanada uu Maamulo Maamulka Khaatumo.

Sidoo kale Madaxweynaha dhawaan loo doortay ee Soomaaliya ayuu ka hadlay Cali Khalif Galeydh waxa uuna sheegay in Maxamed Cabdilaahi Farmaajo loo doortay Magaalada Muqdisho waa sida uu hadalka u dhigay islamarkaana uu ku ekaado Xamar oo kaliya.

Maamulka Khaatumo qaybta uu Cali Khaliif hogaamiyo ayaa u eg mid ku biiray Somaliland oo ay horay si aad ah isaga soo horjeedeen.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST