Hay,adda Biyaha ee PSAWEN oo mashruuc biyo dhaamin ah ka furtay deegano ka tirsan gobalka Nugaal

Hay,dda biyaha ee PSAWEN ayaa deegaanka Xaaji Khar iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Dangoroyo ee gobalka Nugaal ka daah furay Mashruuc biyo dhaamin ah oo lagu waraabinayo dad tiradoodu dhantahay 1200Qoys.

Mashruucan dadka ay abaartu samaysa biyaha loogu dhaaminayo ayaa waxa iska kaa shanaya Hay,dda Biyaha ee PSAWEN iyo UNICEF.

Maxamed Salaad Maareyaha Hay,dda Biyaha ee PSAWEN  oo ugu horan goobta kahadlay ayaa sheegay in talabadan ay tahay mid loogu gurmanayo dadka ay Abaartu samaysay.

Waxan ugu baaqayaa in ta nasiibka u heshay biyahan in ay kuwo kale ee aan helin ay uga faaideeyaan.

Waxan ku da daalaynaa hadii aan nahay Haya,dda PSAWEN in aanu u gur mano walalahayaga Abaartu samaysay dakuna xaalad adag buu ku jiraa wana isku dayay naa in aanu dadka la baxsano ilahaya baa wax bixiye.

Duqa degmada Dangoroyo ee gobalka Nugaal Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed ayaa u mahad celiyey Masuuliyiinta Hay,dda Biyaha ee PSAWEN waxan uu sheegay in talabadan aya tahay mid ku daysho mudan.

Qaar kamid ah dadka la gaar siiyey deeqdan biyaha ayaa uga mahad celiyey Hay,dda Biyaha ee PSAWEN waxana ay sheegen in xiligan ay baahi wan u qabeen.

Hay,dda biyaha ee PSAWEN ayaa deegano kala duwan ka hirgalisaya ceelal ay ka cabaan dadka u soo hayaamay deeganada Puntland iyadoona meelo kala duwan ka samaysay biyo dhaamin.

Waana Hay,adda ka shaqaysa inta badan rabitanka shacabaka Puntland  isla markaana ay gacanta ku hayaan shaqaale hawlkar ah.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST