Majaajileeyste Ajakis oo lagu xiray Hargeysa

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sheegtay in Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo ah Jilaa Caan ah islamarkaana lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa in loo xiray sababo la xariira in uusan haysan Warqad Ogolaansho ah oo uu ku galayo Somaliland.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Somaliland gaar ahaan kuwa Waaxda Socdaalka ayaa sheegay in Dadka ka shaqeya Saxafadda ay mar hore Dalbadaan Warqada sidaana loo xiray Cabdi Muriidi Dheere Ajakis.

Dhinaca kale Warbaahinta Somaliland ka Howlgasha oo soo Xiganeysa Mas’uuliyiin ka tirsan Xukumadda Somaliland ayaa sheegay in ay Macquul tahay in Majaajileyste Cabdi Muriidi Ajakis dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST