Gabdho raashin gaarsiiyay Qoysas ku cayroobay Abaarta Gobolka Nugaal

Deeq raashin ah oo isugu jirta Bur,Bariis, Sonkor iyo Saliid ayay maalin ka hor ka qeybiyeen Gabdhaha Gobolka Nugaal ee ku mideysan urur magaciisa la yiraahdo GOLNUGAAL deegaano ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal oo hoosyimaada Caasimada Puntland ee Garowe.

Deeqdan oo ay sheegeen dadkii la gaarsiiyay inay tahay middii ugu horeysay oo loo keeno tan iyo intii ay abaartu ku dhufatay dhulka Puntland.

Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka oo la hadlay Saxaafadda ayaa uga mahadceliyay Ururka Gol-Nugaal oo ay ku midoobeen Gabdhaha u dhashay Gobolka Nugaal oo kala jooga dibada iyo Gudaha .

Farxiyo Cali Liig oo xubin ka ah ururka GOLNUGAAL ayaa sheegtay inay ugu tala-galeen deeqda qoysaska ku ceyroobay abaarta Islamarkaana ay isugu jirto raashin ka kooban Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid, Ayna ka qeybiyeen tuulooyinka kala ah Reemanti iyo Awrculus oo ka mid ah goobaha ay kusoo barakaceen dadka abaarta ku waayay xoolahoodii.

Qoysaska ku cayroobay abaarta hawdka Gobolka Nugaal

Deeqda laga qeybiyay tuulooyin ku yaala Hawdka Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan qoysas fara-badan oo ku ceyroobay abaarta, Kuwaas oo lagu soo xareeyay tuulooyinka ku yaala baadiyaha.

Isku soo wada duuboo todobaadkii horre ayay ahayd markii wariyaal ka tirsan PUNTLAND POST kasoo tabiyeen warbixin ka hadlaysa xaalada nolosha qoysaska deegaanada deeqda uu ka qeybiyay Ururka GOL-NUGAAL .

Daawo deeqda la gaarsiiyay Qoysaska.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST