Hay’ada Care oo tababar usoo xirtay Shaqaalaha Wasaarada deegaanka Puntland

Wasaarada Deegaanka, Daaqa, Dalxiiska  iyo Duurjoogta Puntland oo kaa shanaysa hay’ada Care international  ayaa maanta magaalada Garowe tababar Sadex cisho socday u soo xirtay shaqaalaha wasaarada ee Sagaalka gobol, gaar ahaan isu duwayaasha iyo maamulada degmooyinka.

Tababarka ayaa lagu baranayay intii uu socday Xallinta Khilaafaadka iyo Taabogalinta nabadda, waxaana diiradda lagu saaray Khayraadka dabiiciga ah sida Daaqa iyo Biyaha, kaasoo qorshuhu ahaa ka soo qaybgalayaashu inay ka faa’idaystaan.

Saleebaann Tukaale  Nuur oo ah sarkaal ka tirsan hay’ada Care international tababarkana bixinayay intii uu soo socday ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigaan uu muhiin u ahaa shaqaalaha la siiyay, waxaana uu uga mahadceliyay xubnahah qaatay oo gobolo kala duwan ka socday.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha isagoo ku booriyay inay aqoonta ay faa’ideen u gudbiyaan guddiyada Tuulooyinka ee wasaarada deegaanka.

Qaar kamida Shaqaalaha qaatay tababr oo munaasbada xiriteenkeeda ka hadlay ayaa Care intarnatinol  iyo wasaarada deegaanka ugu mahadceliyay Tababarka la siiyay waxayna ballanqaadeen inay ugu shaqayndoonaan sida loo baray.

Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka Puntland Faarax Cali Cabdi oo kulankan soo xiray waxa uu sheegay in aqoon is waydaarsigaan ku saabasan Xallinta Khilaafaadka iyo Xoojinta Nabadda uu ahaa mid shaqaaluhu ay u baahnaayeen, uuna rajaynayo in wax wayn ku soo kordhin doono shaqada ay bulshada u hayeen, sidoo kale waxa uu mahadnaq u jeediyay Hay’ada Care oo uu tilmaamay inay barnaamijyo badan gacan ka siiyo wasaarada deegaanka.

Puntland xilliyada Roobku da’o waxaa meelaha qaar ka dhasha Khilaafaadyo la xiriira Daaqa iyo Biyaha waxaana hay’da Care International qabashada tababarkan ay uga golleedahay sidii ay shaqaalaha wasaaradu awood ugu yeelan lahaayeen Xallinta Khilaafaadka arimahaasi ku yimaada, kuwaasoo  mararka qaar dad ay ku dhintaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST