Al-Shabaab oo Dil ku fulisay Askari u dhashay dalka Uganda

Ururka Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay Askari u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabi jirey Masassa M.Y,  oo maxbuus ahaan ay u haysteen muddo lix iyo toban bilood ah.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu baahiyay muuqaal sagaal daqiiqo ah, oo uu ka soo muuqday askariga dilka lagu filiyay, Qaybta dambe ee muuqaalkan, ayaa waxaa ka soo muuqday nin ka tirsan  Al-Shabaab oo madaxa ka tooganaya Masassa M.Y oo ahaa Askari u dhashay Uganda oo gacanta ay ku hayeen.

Masassa M.Y,  ayaa gacanta  Al-Shabaab u galay 1-dii bishii September ee sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Shabaabku dagaal culus ku qabsadeen xerada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladda Uganda wali kama aysan hadlin falkaan lagu dilay Masassa M.Y.

PUNTLAND POST