Puntland oo iclaamisay bilowga wajiga 2-aad ee tirikoobka iyo Diiwaangelinta Shaqaalaha

Shirka lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaarada Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo ay ka soo qeyb galeen agaasimayaasha guud wasaaradaha iyo madax hay’adaha dowliga ah ayaa waxaa lagu daahfuray wajiga labaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta guud shaqaalaha rayidka dowladda.

Shirka waxaa furay Wasiirka Shaqadda iyo Shaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle, waxaan ku wahliyay ku xigeenkiisa Mudane Cabdirisaaq Shire Ismaaciil iyo xubnaha Gudiga Tirakoobka iyo Diiwaangelinta Guud ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdule, ayaa tilmaamaya in Dowladda Puntland ku dhaqaaqi doonto wajiga labaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta guud shaqaalaha rayidka dowladda.

Wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyey halka ay marayso dib u habaynta nidaamka shaqalaaha dowladda, isaga oo xusuusiyey madaxdi shirka ka soo qeyb galay in dowladda horay u qabatay wajiga koowaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dowladda, ayna so bandhigtay natiijada ka soo baxday, kuna guulaysatay tirakoobka iyo diiwaangelinta xogta shaqaale kur u dhaafayo laba kun iyo shan boqol iyadoo adeegsanayso habka casriga-ah ee Biometric-ga, oo ah hab sida faraha iyo sawirka indhaha dadka loogu kala shaadhayn karo, kaarar aqoonsi loo samayay dhamaan.

Wasiirka ayaa xusay in tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dowladda ee qayb ka tahay dadaalka dowladda ku aadan dib-u-habaynta iyo horamarinta shaqaadda iyo shaqaalaha dowladda, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay xeerka shaqadda iyo shaqaalaha rayidka, qaab dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha dowliga ah, tabaradda, shaqaaleynta, dalacsiinta, fasaxyada, xuquuqda, waajibaadka shaqaalaha iyo wixii lamid ah.

Wasiir Cabdiraxmaan waxuu kale u sheegay in dowladda ay diyaarisay, ayna dhawaan ugudbi doonto nidaamka maaraynta maaliyadda dowladda oo habka electronic-ga (Financial Management Information System (FMIS)), taasoo lagu diwaan galinayo, lagu bixindoono dakhliga, iyo kharashka dowladda. Sidaa daraadeed waxaa laga marmaan noqotay in la dardargaliyo dhamaystirka tirakoobka iyo diiwaangelinta guud ee shaqaalaha dowladda, si loo helo xog dhab iyo diiwaangelin electronic-ah oo dhamaystiran.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in xogta electronic-ga shaqaalaha dowladda (Human Resources Management Information System (HRMIS)) lagu xiri doono nidaamka cusub ee maaraynta maaliyadda dowladda ee FMIS.

Marwo Barni Ciise oo ah Agaasimaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee Wasaarada ahna gudoomiyaha gudiga tirakoobka shaqaalaha samaynaya ayaa ka warbixisay qorshaha gudiga tirakoobka shaqaalaha iyada oo ka codsatay masuuliyiintii shirka ka soo qeyb gashay inay u fududeeyaan gudida shaqdooda isla markaasna waxaa ay soo bandhigtay qorshaha gudiga oo waqtiyeysan.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday si fahan guud iyo is afgarad laga gaaray howsha tirakoobka shaqaalaha dowlada iyada oo lagu balamay in si wadajir ah loo wajaho tirakoobka shaqaalaha dowlada Puntland wajigiisa labaad.