GAROWE:-Booliska oo beeniyay inay sii daayeen Gabadh faafinaysa HIV/AIDS

Taliye kuxigeenka Saldhiga Garowe Cali Maxamed Muuse (Cali Kalluun) oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa beeniyay in lasii daayay Gabadh lagu eedeynayo inay ku faafinaysay gudaha magaalada Garowe cudurka HIV/AIDS taasoo boolisku ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 26 bishii December 2016.

Taliye Cali Kaluun ayaa sheegay inay wali socoto baaris lagu daba-galayo qaabkay ku faafinaysay iyo haddii ay jiraan dad ka qaaday xanuunka HIV/AIDS Gabadhaan oo magaceeda la yiraahdo  Kifaax Yuusuf Caynab oo uu sheegay inay heybteedu/Dhalashadeedu kazoo jeedo Deegaanada Somaliland .

Cali Kaluun ayaa intaas ku daray inay sharciga horgeyn doonaan qoftaan dumarka ah marka ay soo dhamaato baaristoodu, wuxuuna ku eedeeyay  inay u qarisay xanuunka HIV/AIDS mid ka mid ah saraakiisha booliska ka dib markii uu guursaday iyadoo isku og xanuunka Kifaax Yuusuf Caynab.

Dhagayso Wareysiga Taliye kuxigeenka Saldhiga Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST