Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Mashruuca Nashqadaynta Bosaso.

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 January 2017  daahfuray Mashruuca qorshaha nashqadaynta Degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Daahfurka mashruucani ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, saraakiil ka mida ciidamada Dawladda Puntland iyo saraakiisha Madaxtooyada Dawladda puntland.

Mashruuca qorshaha nashqadaynta Magaalada Boosooso ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada (UN-HABITAT) oo iyadu maalgelinaysa mashruuca, waxaana fulinta mashruuca gacanta ku haya Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, sidoo kale dhismaha iyo dib u habaynta nashqadaynta magaalada ayaa waxaa hirgelindoona shirkadda dhismaha ee (SOLO).

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay horumarka iyo bilicda magaalada Boosaaso uu qayb weyn ka qaadan doono mashruuca qorshaha nashqadaynta magaalada Boosaaso, isla markaana madaxweynu waxa uu ku tilaamay mashruucani mid muhiimad gaara u leh shacabka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Dawladda Puntland.

Madaxweynuhu ayaa isaga oo fariin udiraya shacabka magaalada Boosaaso waxaa uu kula dardaarmay shacabka magaalada inay kala shaqeeyaan maamulka degmada iyo laamaha amniga sidii loo hirgelin lahaa loona socodsiin lahaa mashrucan dib loogu soo nooolaynaayo bilicda iyo nashqada Degmada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada , iyo masuuliyiinta gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa dhankooda sheegay in mashruucani muhiimad gaara u leeyahay degmada Boosaaso maadaama ay tahay hooyadii Gacansiga Puntland lagama maarmaana ay tahay inay hesho jidadd iyo qaabiyad wanaagsan si ay u suurta gasho isu socod ka ganacsiga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey shacabka degmada Boosooso, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo laamaha amniga ee magaalada inay si wadajira isaga kaashadaan hirgelinta iyo dar-dar gelinta qabsoomida mashruucani, islamar’ahaantaana waxauu madaxweynu tibaaxay in qorshe walba oo lagu fulinayo soo noolaynta bilicda magaalagu muhiimad gaara u leedahay Dawladda puntland iyo shacabkeeda madaama ay tahay degmada Boosaaso  muraayadii ganacsiga Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA,WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.