WARBIXIn: Madaxweynaha Puntland oo Jeediyey Khudbadii Sanad laha ahayd ee  08 January 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli maxamed Cali Gaas ayaa caawa fiidkii 11 January 2017 jeediyey Khubad taarikhi ah oo uu kaga hadlayo wax qabadkii u qabsoomay xukuumadda uu hogaaminayo ee Dawladda Puntland, waxqabadkaas oo salka ku haya sanadkii u danbeeyey iyo guud ahaan mudadii ay xukuumaddu shaqaynaysay oo ku siman sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Halku dhiga sanadkan 2017 ee Madaxweynaha”Dawladda Puntland ayaa ah “KAB KAABAYAAASHA DHAQAALAHA AAN KABANEEH “  tasoo micneheedu yahay in guud ahaan masuuliyiinta Dawladda iyo shacabka Puntland ay kaalin weyn ka qaataan kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa  si faahfaahsan ugaga hadlay waxqabadkii u qabsoomay Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda mudadii uu xilka hayey, waxaana uu madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlay arimaha la xiriira amaanka isagoona sheegay in Dawladda Puntland iska difaacdey weeraro kala duwan oo ay
arga-gixisada Daacisha iyo Al-shabaab isku dayeen inay si dhuumasho ah ku soo galaan dhulka Dawladda Puntland, balse ay ka howlgaleen ciidamada geesiyaasha ah ee Dawladda Puntland isla markaana ay afka ciida u dareen Daacish iyo Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay waxqabadkii Dawladda ee la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqalaha Puntland oo ay Dawladdu  hirgalisey mudadii sadexda sano ahayd ee lasoo dhaafay, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in meelo badan oo kamida Puntland laga fuliyey mashaariic horumarineed oo waxtar u ah shacabka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale tibaaxay in Dawladda Puntland ka shaqaysay wanaajinta xiriirka dalalka duunka iyo wadamada deriska ah iyo sidoo kale wakiilada beeha caalamka iyo qaramada Midoobey, waxaana uu madaxweynuhu si gaara u xusay in Dawlada Puntland ay xooga saartay hirgelinta iyo dardar gelinta xiriiirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada galbeedka siiba Maraykanka iyo Yurub.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Dawladdu ay masuuliyad gaar ah iska saartay gurmadka dadka abaaruhu ku dhufteen isla markaana gurmadkaasi uu yahay mid joogto ah oo Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay u fidinayeen dadka ay wax yeelaysay abaarta dabada dheeratay ee soo bilaabatay 2014 kii ilaa hada oo aynu joogno ay marayso meeshii ugu darnayd, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in haya’daha ka shaqeeyah arimaha bini aadantinimada ay ku wargeliyeen in dadka ay abaartu waxyeelaysay u baahan yihiin gargaar deg-dega oo lagula tacaalo xaaladooda nololeed aanayna Dawladdu ilaa iminka wax jawaaba kahayn wax yar mooyaane.

Ugu danabyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa hanbalyo u diray gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka 10-aad ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo loo doortay  mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, sidoo kale madaxweynaha ayaa hanbalyo u diray Axmed Xuseen Dirir oo loo magcaabay wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jisiyadaha ee Dalka Canada.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

HALKAN KA DHEGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA.