Mahad Cabdalla Cawad oo mar kale ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka

Xildh: Mahad Cabdalla Cawad

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa mar kale ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay 171 cod, halka musharaxii latartamayay ee Cabdulqaadir Cali Baqdaadi  isaguna helay 88  cod.

Waxaa codeeyey Doorashadii maanta 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegay guddoonka KMG ah ee Baarlamanka.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkan aheyd mid xiiso badan, waxaana meesha ka baxay musharxiin dhoor ah oo loo saadaalinayay in ay tartanka ku guuleysan doonaan.

PUNTLAND POST