JAAMACADDA MUQDISHO OO ABAAL MARINO GUDOONSISAY 1O KII ARDAY EE UGU SAREYEY 2015/2016

Jaamacadda muqdisho  faraca  Boosaaso  oo qabatay xaflad lagu maamuusayey ardaydii kaalmaha ka galay jaamacada muqdisho faraca Bosaaso sanadkii 2015 / 2016 –iyo ardadii  ku guulaysaty tartankii qur,anka  kariimka  ee ay jaamacadu qabatay

Jaamacadda Muqdisho Xarunta Bosaaso ayaa waxay uqabatay Xaflad Maamuus iyo Abaalmarin ah Ardayda kuguuleysatay Tartanka Qur’ aanul Kariimka  Iyo kuwa kaalimaha uhoreeya galay Sanad waxbarasheedkii 2015-2016.

Xaflada waxaa kasooqayb galay Maamulka jaamacadda ,Macallimiinta ,Madaxda Dhaqanka,Ganacsatada,Hay’adaha waxbarashada ,Waalidiinta iyo Ardayda jaamacadda.

Waxaa aad loogu hambalyeey Dhamman Ardayda Guulaysatay Looguna duceeyay inay horey usiiwadaan dadaalkooda.

Ugudanbeyn waxaa lagudoonsiiyay Shahaado sharaf Ardaydii kuguulaysatay Tartantanka Qur’aankariim iyo kuwihii kaalima ha uhoreeyey galay iyadoo jaamacadu siisay Dhammaan Ardaydaas Sanad Waxbarasho ah oo Lacag la aan ah.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,XAFIISKA BOOSAASO