Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka dhacaysa

Xarunta Golaha Shacabka ee magaala Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhaceysa doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadaan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ay goordhow ka bilaabaneysaa xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho oo ay u sharaxanyihiin 4 Musharax oo kala ah.

  • Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
  • Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig.
  • Xildhibaan Cabdi Fitaax Geeseey.
  • Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar.

Musharixiinta ayaa baryihii ugu dambeeysay ku jiray loolan adag oo dhanka Xildhibaanada ah iyaga oo kulamo gaar ilaa xalay saqdii dhexe la qaadanayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga natiijada lamana saadaalin karo waayo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka xasaasisan tii sanadkii hore waxaana ay go’aamin doontaa ninka noqonaya Madaxweynaha Soomaalya.

Siyaasiin iyo madaxweynayaal maamul Goboleed ayaa hardan culus ugu jira in aanay soo bixin qaar kamid ah Musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Isha ku Haay Puntland Post oo la soco Doorashada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho