Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Degmada QANDALA

qandala-mapMadaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cai (Gaas) ayaa socdaal aan horey loo sii shaacin qorsheynaya inuu ku tagayo Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo ay dhawaan ciidamada Puntland dib uga qabsadeen kooxo sheegtay inay ka tirsan yihiin Ururka DAACISH sida ay u xaqiijiyeen PUNTLAND POST ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan magaalada Bosaso.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas sabtida soo socota socdaal qorshihii yahay dhiirigalinta iyo bogaadinta guushii ciidamadu ka gaareen howl-galkii ay kula dagaalameen dagaalyahano ka tirsan DAACISH uu ku tagayo Degmada Taariikhiga ah ee QANDALA.

Inkastoo aysan PUNTLAND POST xog dheeri ah ka helin inuu Madaxweynuhu adeegsan doono socdaalkiisa diyaarad, gaari iyo doon balse waxay wararku intaas ku darayaan jiritaanka dib u dhac ku yimid horey ugu yimid qorshihii horre oo ahaa khamiistii lasoo dhaafey inuu tago QANDALA

Waxaa sidoo kale la filan karaa suurta-galnimada dib u dhac mar kale oo ku yimaada safarkaan aan horey loo shaacin, walow ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan inĀ  sabtida soo socota uu halkaas tagi doono Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POST