Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Tacsi u diray Qayskii Iyo Qarabadii Uu Ka Baxay Maamulihii Madaxtooyada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya magaca golayaasha dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland ayaa waxa uu ka tacsiyaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee kutimi Marxuum Aadan Gaas Yuusuf Huruuse oo ahaa  Maamulihii Madaxtooyada Boosaaso oo ay maaanta gelinkii danbe  gacan ka xaqdari ku dishey Magaalada Boosaaso.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacab weynaha reer Puntland ee uu ka baxay marxuumku, waxa uuna eebbe uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay.

“innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun waxaan tiiraanyada la wadaagayaa eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee uu ka baxay marxuum Aadan Gaas Yuusuf Huruuse maamulihii Madaxtooyada Boosaaso oo gacan ka xaqdarani ay ku dishey magaalada Boosaaso.

Marxuumku waxa uu ahaa shaqsi hawlkar ah oo ay ku xooggantahay damiirka waddaniyaddu, isla markaana yaqaana masuuliyadda saran, si wanaagsana uga soo baxa waajibaad kiisa shaqo”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

—DHAMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.