DAAWO:- Musuq maasuqii hareeyay doorashada 2016

Garowe (Puntland Post):- Dhawaan waxaa lasoo gabagabeeyay Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka socotay magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado, waxaana jiray inteysan doorashadu dhamaan khilaafyo ragaadiyay kuwaas oo lagu tilmaamay inay salka ku hayeen Musuq maasuq, Eex iyo Baal marid hanaankii lagu heshiiyay.

Arrimaha muranka weyn dhaliyay waxaa ka mid ahaa Qoondada Haweenka oo %30 laga siiyay Aqalka hoose taasoo inta badan ay ka horyimaadeen Odoyaasha Qabaa,ilada, Waxayna si gaar ah saameyn arrintaas ugu yeelatay Puntland oo sidii loogu tala-galay aysan uga fulin.

Warbixin xog uruurin xiiso leh oo ay soo saareen bahda TIYAATAR looguna magac daray DAAQADII RAJADA EE LA DABOOLAY ayaa si miisaan leh daboolka uga qaadaysa sida uu isu bedelay dareenka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed oo markii horre rajo tii horre ka duwan ka filayay doorashada Dadban ee dalka Soomaaliya (2016).

DAAWO DAAQADII RAJADA EE LA DABOOLAY.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST