Garowe:- Shirkadda Dhismaha Al-bashid oo iska fogeysay eedeymo laga faafiyay

Garowe (Puntland Post):- Warsaxafaadeed kasoo baxay Shirkadda dhismaha ee AL-BASHID ayaa lagu beeniyey war dhawaan lagu daabacay qaar ka mid ah Warbaahinta Online-ka laguna sheegay in xubno ka mid ah Shirkadda AL-BASHID hanjabaad iyo gacan qaad u geysteen mid ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-gala deegaanada Puntland.

War saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in baaris ka dib ay ku ogaadeen guddiga sarre ee Shirkadda AL-BASHID inaan waxba ka jirin Eedeynta lagu soo eedeyay xubin ka mid ah shirkadda, Islamarkaana ay yihiin dacaayaad iyo been abuur lagu waxyeelaynayo sumcadda shirkadda .

AL-BASHID ayaa ku xustay warkeeda inay dhiiri-galinayso Xoriyatul qawlka iyo madax banaanida saxaafadda, ayna u mari doonto warka laga faafiyay sifo sharciya.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kazoo baxay Shirkadda AL-BASHID.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST