Ciidamada Puntland oo qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku haynta Qandala

Qandala(Puntland Post)-Ciidamada kala duwan ee Dawlada Puntland ayaa sii wada hawlgalo balaaran oo ay kooxda taabacsan Daacish ee uu hogaaminaayo wadaadka xagjirka ee lagu magacaabo C/qaadir Muumin kaga sifaynayaan degmada muhiimka ee Qandala.

Iska hor imaadyo kooban ayaa maanta dhex maray Ciidamada Puntland iyo kooxda taabacsan Daacish waxayna wararku shegayaan inay Ciidamadu la wareegeen tog saldhig muhiima u ahaa kooxdaas oo lagu magacaabo cogolahe kuna dhaw tuulada afbashaashin oo hoostagta degmada Qandala, si dhaba looma oga khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas.

Ciidamada Puntland ayaa si uu taxadar sare ka muuqdo u fulinaayo hawlgalkan maadama kooxda uu hogaaminaayo C/qaadir Muumin ay miinooyin fara badan ku aaseen wadada kaliya ee laga galo Magaalada Qandala iyo degaanada hoostaga, waxayna ciidamadu minooyin ka saareen goobaha ay hawlgalada kawadaan.

Dhulka ay hawlgaladu ka socdaan ayaa ah dhul buuralay iyo togag ah oo ay adag tahay inay baabuurtu maraan.

PUNTLAND POST