labo Wiil oo Walaalo ah oo Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Swedan

Magaalada Stockholm ee dalka Sweden waxaa xalay Saacada marka ay aheyd 22:00 lagu dilay labo wiil oo Soomali ah xili ay fadhiyeen baar laga caweeyo kaas oo ku yaalo goob ay Somalidu aad ugu badan tahay lana yiraahdo Rinkeby.

Allaha U naxariistee labadaan Wiil ee Soomalida ahaa islamarkaana Walaalo ahaa ayaa fadhiyay  baarka Rinkeby, kadibna waxaa halkaas  weerar ku qaaday dhalinyaaro kale oo lagu qiyaasay 20 ilaa 25 kuwaas oo ku hubeysnaa bastoolado iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

Qasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah labadan Wiil oo isla goobta ku dhintay iyo mid kale oo dhaawac ah kaas oo loola cararay Cisbitaal, falka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Saakay oo sabti ah ayaa la filayaa in la aaso labada wiil ee Soomalida ahaa ee la dilay, war kooban oo baxay taliska booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay in xaafadaas laga furi doono xarun boolis islamarkaana la geyn doono Ciidamo badan oo ka hortaga falalka noocaan oo kala ah.

Hoos ka Daawo Sawirada.

1 2 3 4 5

PUNTLAND POST