Ciidamada Puntland oo kusii dhawaanaya degamada Qandala ee Gobalka Bari

Qandala(Puntland Post)-Ciidamada Dawlada Puntland ayaa si aada ugu sii dhawaanaaya Degmada Qandala ee Gobalka Bari, markii ay si toos ah  u bilaabeen hawlgalo balaaran oo ay degmada Qandala kaga sifaynayaan kooxda taabacsan Daacish ee mudada ka badan bisha maamulaysay degmadaas.

Hawlgaladan waxaa si wadajira u fulinaaya Ciidamada kala duwan ee Puntland sida Darawiishta, Ciidamada Badda iyo Ciidamada sida gaarka u tababaran ee looyaqaan PSF.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaaya degaanka Qandala ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay isku urursadeen godod ku yaal buurlayda degmada Qandala.

Sidoo kale Ciidamada ayaa hawlgalkan ka fulinaaya dhinaca Badda oo uu taagan yahay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamadu sidoo kalena wata doonayaha dheereeya.

Kooxda taabacsan Daacish ayaa si kedis ah degmada Qandala kula wareegtay 26-kii October, waxaana halkaas isaga baxay dhamaan Dadkii Magaaladaas si ay uga badbaadaan wax yeelo kasoo gaadha Kooxda Magaaladooda la wareegtay.

PUNTLAND POST